1 : 1
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.
1 : 2
ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
2. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
1 : 3
ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
3. Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista Badan [1].
1 : 4
مَـٰلِكِ يَوْمِ ٱلدِّينِ
4. Boqorka Maalinta Jaazeynta [2].
1 : 5
إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ
5. Adigoo Keliya baynu (Allow) ku caabudi, oo Adigoo Keliya baynu ku weydiisan kaalmo.
1 : 6
ٱهْدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلْمُسْتَقِيمَ
6. Nagu hanuuni (oo sug) Jidka Toosan.
1 : 7
صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ ٱلْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ
7. Jidka kuwa aad u Nicmaysay [3], aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday [4] iyo (jidka) kuwa lunsan midna [5].