102 : 1
أَلْهَىٰكُمُ ٱلتَّكَاثُرُ
1. Waxaa idin shuqliya (dadow) adduun badsi (iyo isu faan).
★
102 : 2
حَتَّىٰ زُرْتُمُ ٱلْمَقَابِرَ
2. Ilaa aad siyaarataan qubuuraha (macnaha dhimataan oo la idinku aaso).
★
102 : 3
كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
3. Mayee! Waad ogaan doontaan.
★
102 : 4
ثُمَّ كَلَّا سَوْفَ تَعْلَمُونَ
4. Misna, mayee! Waad ogaan doontaan.
★
102 : 5
كَلَّا لَوْ تَعْلَمُونَ عِلْمَ ٱلْيَقِينِ
5. Mayee! haddaad og tihiin ogaansho dhab ah.
★
102 : 6
لَتَرَوُنَّ ٱلْجَحِيمَ
6.Waxaad hubaal arki Naarta ololka badan.
★
102 : 7
ثُمَّ لَتَرَوُنَّهَا عَيْنَ ٱلْيَقِينِ
7. Markaas waxaad u ark si yaqiin leh.
★
102 : 8
ثُمَّ لَتُسْـَٔلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ ٱلنَّعِيمِ
8. Waxaana Maalintaa la idin weydiin Nicmooyinkii (Alle idinku galladeystay).
★