105 : 1
أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِأَصْحَـٰبِ ٱلْفِيلِ
1. Mawaadan ogaan sida Rabbigaa u galay qoladii maroodiga?
105 : 2
أَلَمْ يَجْعَلْ كَيْدَهُمْ فِى تَضْلِيلٍ
2. Sow kama uu dhigin dhagartoodii wax dhumay (ku dhammaaday jab iyo jah wareer),
105 : 3
وَأَرْسَلَ عَلَيْهِمْ طَيْرًا أَبَابِيلَ
3. Oo ku soo dirin shimbiro guutoooyin ah,
105 : 4
تَرْمِيهِم بِحِجَارَةٍ مِّن سِجِّيلٍ
4. Ku soo ganeysa dhagaxyo dhoobo la kululeeyey ah,
105 : 5
فَجَعَلَهُمْ كَعَصْفٍ مَّأْكُولٍۭ
5. Markaas ka yeelay sidii bal la daaqay?