106 : 1
لِإِيلَـٰفِ قُرَيْشٍ
1. Caadeysigii Quraysh darteed.
106 : 2
إِۦلَـٰفِهِمْ رِحْلَةَ ٱلشِّتَآءِ وَٱلصَّيْفِ
2. Ay ka caada yeesheen safarka xagaaga iyo jilaalka (si nabdoonaan ah ganacsiga).
106 : 3
فَلْيَعْبُدُوا۟ رَبَّ هَـٰذَا ٱلْبَيْتِ
3. Ee ha caabudeen Rabbiga Baytkan (Kacbada Makkah ku taal).
106 : 4
ٱلَّذِىٓ أَطْعَمَهُم مِّن جُوعٍ وَءَامَنَهُم مِّنْ خَوْفٍۭ
4. Kaasoo ka quudiyey gaajo, kana aamin yeelay cabsi.