107 : 1
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ
1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).
107 : 2
فَذَٰلِكَ ٱلَّذِى يَدُعُّ ٱلْيَتِيمَ
2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan [1].
107 : 3
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka [2].
107 : 4
فَوَيْلٌ لِّلْمُصَلِّينَ
4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),
107 : 5
ٱلَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ
5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).
107 : 6
ٱلَّذِينَ هُمْ يُرَآءُونَ
6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.
107 : 7
وَيَمْنَعُونَ ٱلْمَاعُونَ
7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).