109 : 1
قُلْ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلْكَـٰفِرُونَ
1. Dheh: Gaalooy.
109 : 2
لَآ أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ
2. Anigu ma caabudayo waxaad caabudeysaan,
109 : 3
وَلَآ أَنتُمْ عَـٰبِدُونَ مَآ أَعْبُدُ
3. Idinkuna ma caabuddaan Kaan Anigu caabudo (Alle Keliya).
109 : 4
وَلَآ أَنَا۠ عَابِدٌ مَّا عَبَدتُّمْ
4. Anigu ma caabudayo waxaad idinku caabudeysaan (oo ilaahyo been ah).
109 : 5
وَلَآ أَنتُمْ عَـٰبِدُونَ مَآ أَعْبُدُ
5. Idinkuna ma caabuddaan Kaan anigu caabudo (Alle Weyne kor ahaaye).
109 : 6
لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِىَ دِينِ
6.Waxaad leedihiin diintiinna (camalkiinna), aniguna waxaa leeyahay diinteyda (camalkeyga, oo barii baan idinka ahay).