110 : 1
إِذَا جَآءَ نَصْرُ ٱللَّهِ وَٱلْفَتْحُ
1. Markuu yimaado Gargaarka Alle iyo guusha (Furashada Makkah).
110 : 2
وَرَأَيْتَ ٱلنَّاسَ يَدْخُلُونَ فِى دِينِ ٱللَّهِ أَفْوَاجًا
2. Oo aad aragto dadka oo u soo galaya diinta Alle (Islaamka) rac-rac (kooxo),
110 : 3
فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَٱسْتَغْفِرْهُ ۚ إِنَّهُۥ كَانَ تَوَّابًۢا
3. Markaas ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa, weydiisona Denbi Dhaaf. Hubaal Alle waa Tawbad aqbal Badane.