79 : 1
وَٱلنَّـٰزِعَـٰتِ غَرْقًا
1. Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada).
79 : 2
وَٱلنَّـٰشِطَـٰتِ نَشْطًا
2. Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada).
79 : 3
وَٱلسَّـٰبِحَـٰتِ سَبْحًا
3. Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle).
79 : 4
فَٱلسَّـٰبِقَـٰتِ سَبْقًا
4. Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn.
79 : 5
فَٱلْمُدَبِّرَٰتِ أَمْرًا
5. Iyo 'malaa'igta' isku duwa arrin 'walba' [1]
79 : 6
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
6. Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka).
79 : 7
تَتْبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
7. Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad).
79 : 8
قُلُوبٌ يَوْمَئِذٍ وَاجِفَةٌ
8. Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri.
79 : 9
أَبْصَـٰرُهَا خَـٰشِعَةٌ
9. Indhahoodu dulleysnaan.
79 : 10
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرْدُودُونَ فِى ٱلْحَافِرَةِ
10. Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)?
79 : 11
أَءِذَا كُنَّا عِظَـٰمًا نَّخِرَةً
11. Ma markaan noqonno lafo bololay?
79 : 12
قَالُوا۟ تِلْكَ إِذًا كَرَّةٌ خَاسِرَةٌ
12. Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah.
79 : 13
فَإِنَّمَا هِىَ زَجْرَةٌ وَٰحِدَةٌ
13. Waase hal Qeylo keliya.
79 : 14
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
14. Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib).
79 : 15
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
15. Ma ku soo gaaray warkii Muuse?
79 : 16
إِذْ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلْوَادِ ٱلْمُقَدَّسِ طُوًى
16. Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa.
79 : 17
ٱذْهَبْ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
17. Aad Fircoon, wuu xadgudbaye.
79 : 18
فَقُلْ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
18. Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad iska daahiriso (shirkiga iyo macaasida)?
79 : 19
وَأَهْدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخْشَىٰ
19. Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa si aad uga baqdo?.
79 : 20
فَأَرَىٰهُ ٱلْـَٔايَةَ ٱلْكُبْرَىٰ
20. Markaasuu tusay Calaamddii Weyneyd [2].
79 : 21
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
21. (Fircoon) se wuu beeniyey oo caasiyey.
79 : 22
ثُمَّ أَدْبَرَ يَسْعَىٰ
22. Markaasuu dib u jeestay isagoo (xumaan u) socda.
79 : 23
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
23. Oo soo kulmiyey (dadkiisii) oo kor u dhawaaqay.
79 : 24
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلْأَعْلَىٰ
24. Oo yidhi: Waa aniga rabbigiin, sarreeya.
79 : 25
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلْـَٔاخِرَةِ وَٱلْأُولَىٰٓ
25. Markaasuu Alle ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe (sheegashadiisa ilaahnimo) iyo tii hore darteed (beeninta Muuse).
79 : 26
إِنَّ فِى ذَٰلِكَ لَعِبْرَةً لِّمَن يَخْشَىٰٓ
26. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan cibrad (digniin) qof kastoo ka baqa Alle.
79 : 27
ءَأَنتُمْ أَشَدُّ خَلْقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُ ۚ بَنَىٰهَا
27. Ma idinkaa adag abuur ahaan, mise samada, wuu dhisay.
79 : 28
رَفَعَ سَمْكَهَا فَسَوَّىٰهَا
28.Wuxuu (samada) kor yeelay jurmigeeda oo waliba simay.
79 : 29
وَأَغْطَشَ لَيْلَهَا وَأَخْرَجَ ضُحَىٰهَا
29. Oo ka yeelay mugdi habeenkeeda oo soo bixiyey maalinteeda (ifiyey).
79 : 30
وَٱلْأَرْضَ بَعْدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
30. Dhulka markaa kaddib fidshay.
79 : 31
أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَىٰهَا
31. Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda;
79 : 32
وَٱلْجِبَالَ أَرْسَىٰهَا
32. Buurahana wuu dhidbay;
79 : 33
مَتَـٰعًا لَّكُمْ وَلِأَنْعَـٰمِكُمْ
33. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba.
79 : 34
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلْكُبْرَىٰ
34. Markase ay timaaddo musiibada weyni.
79 : 35
يَوْمَ يَتَذَكَّرُ ٱلْإِنسَـٰنُ مَا سَعَىٰ
35. Maalinka uu Aadmigu xusuusan wuxuu falay oo dhan.
79 : 36
وَبُرِّزَتِ ٱلْجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
36. Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya,
79 : 37
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
37. Ma qofkii xad gudba.
79 : 38
وَءَاثَرَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
38. Oo door bida nolosha adduunkan.
79 : 39
فَإِنَّ ٱلْجَحِيمَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
39. Hubaal Naarta waa hoygiisa.
79 : 40
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفْسَ عَنِ ٱلْهَوَىٰ
40. Qofkiise ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta hawa raaca.
79 : 41
فَإِنَّ ٱلْجَنَّةَ هِىَ ٱلْمَأْوَىٰ
41. Hubaal Jannada - waa hoygiisa.
79 : 42
يَسْـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَىٰهَا
42. Waxay wax kaa weydiin (Nabiyow) Saacadda (Qiyaame) goortay tahay.
79 : 43
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكْرَىٰهَآ
43. Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda? Waxaad tahay mid ka mid ah calaamadaha soo dhowaanshaheeda.
79 : 44
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
44. Waa xagga Rabbigaa halkay ku dhammaan (ogaanshaheeda).
79 : 45
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخْشَىٰهَا
45. Waxaad uun tahay (Nabiyow) u dige kuwa ka baqa.
79 : 46
كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَهَا لَمْ يَلْبَثُوٓا۟ إِلَّا عَشِيَّةً أَوْ ضُحَىٰهَا
46. Maalinta ay arkayaan waxay ahaan sida inaysan ku nagaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed.