83 : 1
وَيْلٌ لِّلْمُطَفِّفِينَ
1. Hoog waxaa leh kuwa dadka (xaqooda) duudsiya oo dhima 'nuqsaamiya'.
83 : 2
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكْتَالُوا۟ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسْتَوْفُونَ
2. Waa kuwa markay wax beegan u oofsada si dhan oo kaamil ah.
83 : 3
وَإِذَا كَالُوهُمْ أَو وَّزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ
3. Markase ay u beegi dadka kale ama miisaami ka dhima oo nuqsaamiya.
83 : 4
أَلَا يَظُنُّ أُو۟لَـٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبْعُوثُونَ
4. Miyeyna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo).
83 : 5
لِيَوْمٍ عَظِيمٍ
5. Maalin weyn (Qiyaamada).
83 : 6
يَوْمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ
6. Maalinta dadku istaagi Rabbiga uumanka horti?
83 : 7
كَلَّآ إِنَّ كِتَـٰبَ ٱلْفُجَّارِ لَفِى سِجِّينٍ
7. Mayee, hubaal diiwaanka (camalka) dadka xun wuxuu yaal Sijjiin.
83 : 8
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا سِجِّينٌ
8. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiin yahay [1]?
83 : 9
كِتَـٰبٌ مَّرْقُومٌ
9. Waa (aayahooda) kitaab (ku) calaameysan.
83 : 10
وَيْلٌ يَوْمَئِذٍ لِّلْمُكَذِّبِينَ
10. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
83 : 11
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوْمِ ٱلدِّينِ
11. Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta (Qiyaamada).
83 : 12
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ
12.Cidina ma beeniso aan aheyn xadgudbe kastoo denbiile ah.
83 : 13
إِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِ ءَايَـٰتُنَا قَالَ أَسَـٰطِيرُ ٱلْأَوَّلِينَ
13. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore.
83 : 14
كَلَّا ۖ بَلْ ۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا۟ يَكْسِبُونَ
14. Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood.
83 : 15
كَلَّآ إِنَّهُمْ عَن رَّبِّهِمْ يَوْمَئِذٍ لَّمَحْجُوبُونَ
15. Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi Rabbigood.
83 : 16
ثُمَّ إِنَّهُمْ لَصَالُوا۟ ٱلْجَحِيمِ
16. Markaasay waxay hubaal gali oo ku guban Naar olol badan.
83 : 17
ثُمَّ يُقَالُ هَـٰذَا ٱلَّذِى كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
17. Waxaa markaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen.
83 : 18
كَلَّآ إِنَّ كِتَـٰبَ ٱلْأَبْرَارِ لَفِى عِلِّيِّينَ
18. Mayee, hubaal, diiwaanka (camalka) dadka wanaagsan wuxuu yaal Cilliyyiin (samada toddobaad).
83 : 19
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ
19. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyiin yahay?
83 : 20
كِتَـٰبٌ مَّرْقُومٌ
20. Waa (aayaha mu'miniinta) kitaab (ku) calaameysan.
83 : 21
يَشْهَدُهُ ٱلْمُقَرَّبُونَ
21. Waxaa arka (malaa’igtaa) ku dhow (Alle).
83 : 22
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
22. Hubaal, baarriyiinta waxay ku sugnaan barwaaqo (Janno).
83 : 23
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
23. Sariiro boqoreed korkood iyagoo ka daawan (wax waliba oo nicmooyinka Jannada ah).
83 : 24
تَعْرِفُ فِى وُجُوهِهِمْ نَضْرَةَ ٱلنَّعِيمِ
24. Waxaad ka garan wejiyadooda dhalaalka barwaaqada.
83 : 25
يُسْقَوْنَ مِن رَّحِيقٍ مَّخْتُومٍ
25. Waxaa laga waraabin khamri (saafi ah) ee la abburay.
83 : 26
خِتَـٰمُهُۥ مِسْكٌ ۚ وَفِى ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ ٱلْمُتَنَـٰفِسُونَ
26. Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu.
83 : 27
وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسْنِيمٍ
27. Dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah.
83 : 28
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا ٱلْمُقَرَّبُونَ
28. Il ay ka cabbi kuwa (Alle) u dhow.
83 : 29
إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجْرَمُوا۟ كَانُوا۟ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ يَضْحَكُونَ
29. Denbiilayaashu waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeeyey ee mu'miniinta ah.
83 : 30
وَإِذَا مَرُّوا۟ بِهِمْ يَتَغَامَزُونَ
30. Hadday soo ag maraanna waa isu il-jabin jireen.
83 : 31
وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓا۟ إِلَىٰٓ أَهْلِهِمُ ٱنقَلَبُوا۟ فَكِهِينَ
31. Markay u laabtaanna ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya,
83 : 32
وَإِذَا رَأَوْهُمْ قَالُوٓا۟ إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ
32. Markay arkaan (mu'miniinta) waxay odhan jireen: Kuwakanu xaqiiq waa kuwo lunsan.
83 : 33
وَمَآ أُرْسِلُوا۟ عَلَيْهِمْ حَـٰفِظِينَ
33. Ma loo dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda.
83 : 34
فَٱلْيَوْمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مِنَ ٱلْكُفَّارِ يَضْحَكُونَ
34. Maalinta (Qiyaame) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku qosli gaalada.
83 : 35
عَلَى ٱلْأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
35. Sariiro boqoreed (sare) korkood iyagoo ka daawan.
83 : 36
هَلْ ثُوِّبَ ٱلْكُفَّارُ مَا كَانُوا۟ يَفْعَلُونَ
36. Miyaan laga abaal marin gaalada waxay (xume) falayeen?