87 : 1
سَبِّحِ ٱسْمَ رَبِّكَ ٱلْأَعْلَى
1. Xurmo weynee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa ee Sarreeya.
★
87 : 2
ٱلَّذِى خَلَقَ فَسَوَّىٰ
2. Ee abuuray (uunka) oo ekeeyey.
★
87 : 3
وَٱلَّذِى قَدَّرَ فَهَدَىٰ
3.Ee ah Kan wax walba qaddaray, ee hagay.
★
87 : 4
وَٱلَّذِىٓ أَخْرَجَ ٱلْمَرْعَىٰ
4. Ee ah Kan soo saara daaqa.
★
87 : 5
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحْوَىٰ
5. Ka dhiga markaas kaddib caws
engagan oo madow.
★
87 : 6
سَنُقْرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
6. Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,
★
87 : 7
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُ ۚ إِنَّهُۥ يَعْلَمُ ٱلْجَهْرَ وَمَا يَخْفَىٰ
7. Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu xaqiiq Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
★
87 : 8
وَنُيَسِّرُكَ لِلْيُسْرَىٰ
8. Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).
★
87 : 9
فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكْرَىٰ
9. Ee waani, markay wax tari waanadu.
★
87 : 10
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَىٰ
10. Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).
★
87 : 11
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلْأَشْقَى
11. Waxaana ka fogaan 'waanada' qofka xun.
★
87 : 12
ٱلَّذِى يَصْلَى ٱلنَّارَ ٱلْكُبْرَىٰ
12. Kaasoo geli Naar weyn oo ku guban.
★
87 : 13
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحْيَىٰ
13. Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.
★
87 : 14
قَدْ أَفْلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
14. Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).
★
87 : 15
وَذَكَرَ ٱسْمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
15. Oo xusa Magaca Rabbigi oo tukada.
★
87 : 16
بَلْ تُؤْثِرُونَ ٱلْحَيَوٰةَ ٱلدُّنْيَا
16. Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;
★
87 : 17
وَٱلْـَٔاخِرَةُ خَيْرٌ وَأَبْقَىٰٓ
17. Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah.
★
87 : 18
إِنَّ هَـٰذَا لَفِى ٱلصُّحُفِ ٱلْأُولَىٰ
18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,
★
87 : 19
صُحُفِ إِبْرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.
★