88 : 1
هَلْ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلْغَـٰشِيَةِ
1. Mawuusan kuu iman warka dabooshada (Qiyaamada).
88 : 2
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ خَـٰشِعَةٌ
2. Wejiyaal maalintaas waxay ahaan kuwo dullaysan (waa gaalada).
88 : 3
عَامِلَةٌ نَّاصِبَةٌ
3. (Ku) howlan (adduunka caabuddaada cid kale la jirka Alle), daallan (Aakhirada).
88 : 4
تَصْلَىٰ نَارًا حَامِيَةً
4. Gali Naar kulul oo ku guban.
88 : 5
تُسْقَىٰ مِنْ عَيْنٍ ءَانِيَةٍ
5. Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa.
88 : 6
لَّيْسَ لَهُمْ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعٍ
6. Ma laha wax cunto ah qodxo maahee.
88 : 7
لَّا يُسْمِنُ وَلَا يُغْنِى مِن جُوعٍ
7. Kaasoo aan waxna cayilineynin, gaajona wax ka tareyn.
88 : 8
وُجُوهٌ يَوْمَئِذٍ نَّاعِمَةٌ
8. Wejiyo Maalintaas waxay ahaan kuwo nicmeysan (waa wejiyada mu'miniinta).
88 : 9
لِّسَعْيِهَا رَاضِيَةٌ
9. Raalli ah dadaalkoodii darti.
88 : 10
فِى جَنَّةٍ عَالِيَةٍ
10. Ku sugnaan Janno sare gudaheed.
88 : 11
لَّا تَسْمَعُ فِيهَا لَـٰغِيَةً
11. Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah.
88 : 12
فِيهَا عَيْنٌ جَارِيَةٌ
12. Waxaa ah dhexdeeda il socota.
88 : 13
فِيهَا سُرُرٌ مَّرْفُوعَةٌ
13. Iyo sariirro la kor yeelay.
88 : 14
وَأَكْوَابٌ مَّوْضُوعَةٌ
14. Iyo koobab diyaar laga dhigay.
88 : 15
وَنَمَارِقُ مَصْفُوفَةٌ
15. Iyo barkimooyin la safay.
88 : 16
وَزَرَابِىُّ مَبْثُوثَةٌ
16. Iyo gogollo la fidshey.
88 : 17
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ
17. Mawaysan fiirin geela, sida loo abuuray?
88 : 18
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيْفَ رُفِعَتْ
18. Iyo cirka, sida loo kor yeelay?
88 : 19
وَإِلَى ٱلْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ
19. Iyo buuraha, sida loo taagay?
88 : 20
وَإِلَى ٱلْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ
20. Iyo dhulka, sida loo fidiyey?
88 : 21
فَذَكِّرْ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرٌ
21. Ee waani (dadka), waayo waxaad adigu (Nabiyow) uun tahay waaniye.
88 : 22
لَّسْتَ عَلَيْهِم بِمُصَيْطِرٍ
22. Ma tihid adigu mid qasab ku leh.
88 : 23
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ
23. Qofkiise (Xaqa) ka jeesada oo gaalooba;
88 : 24
فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلْعَذَابَ ٱلْأَكْبَرَ
24. Wuxuu Alle ku cadaabi cadaab aad u weyn.
88 : 25
إِنَّ إِلَيْنَآ إِيَابَهُمْ
25. Hubaal waa Xaggayaga meel noqodkoodu;
88 : 26
ثُمَّ إِنَّ عَلَيْنَا حِسَابَهُم
26. Markaas hubaal Annagay na saaran tahay xisaabintooda.