91 : 1
وَٱلشَّمْسِ وَضُحَىٰهَا
1. Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;
91 : 2
وَٱلْقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا
2. Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).
91 : 3
وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا
3. Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.
91 : 4
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰهَا
4. Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).
91 : 5
وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا
5. Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;
91 : 6
وَٱلْأَرْضِ وَمَا طَحَىٰهَا
6 Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,
91 : 7
وَنَفْسٍ وَمَا سَوَّىٰهَا
7. Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.
91 : 8
فَأَلْهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقْوَىٰهَا
8. Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,
91 : 9
قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّىٰهَا
9. Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).
91 : 10
وَقَدْ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا
10. Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.
91 : 11
كَذَّبَتْ ثَمُودُ بِطَغْوَىٰهَآ
11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.
91 : 12
إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشْقَىٰهَا
12. Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).
91 : 13
فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقْيَـٰهَا
13. Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Alle (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.
91 : 14
فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمْدَمَ عَلَيْهِمْ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمْ فَسَوَّىٰهَا
14. Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).
91 : 15
وَلَا يَخَافُ عُقْبَـٰهَا
15. Kama uuna cabsado cidhibteeda [1].