92 : 1
وَٱلَّيْلِ إِذَا يَغْشَىٰ
1. Waxaan ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).
★
92 : 2
وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ
2. Iyo maalinta markay muuqato (ifto);
★
92 : 3
وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلْأُنثَىٰٓ
3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga.
★
92 : 4
إِنَّ سَعْيَكُمْ لَشَتَّىٰ
4. Xaqiiq, camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.
★
92 : 5
فَأَمَّا مَنْ أَعْطَىٰ وَٱتَّقَىٰ
5. Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).
★
92 : 6
وَصَدَّقَ بِٱلْحُسْنَىٰ
6. Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):
★
92 : 7
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْيُسْرَىٰ
7. Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).
★
92 : 8
وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسْتَغْنَىٰ
8. Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).
★
92 : 9
وَكَذَّبَ بِٱلْحُسْنَىٰ
9. Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).
★
92 : 10
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلْعُسْرَىٰ
10. Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);
★
92 : 11
وَمَا يُغْنِى عَنْهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ
11. Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.
★
92 : 12
إِنَّ عَلَيْنَا لَلْهُدَىٰ
12. Annagaa xaqiiq wax hanuuninna,
★
92 : 13
وَإِنَّ لَنَا لَلْـَٔاخِرَةَ وَٱلْأُولَىٰ
13. Oo Annagaa xaqiiq leh Aakhiro iyo adduunba.
★
92 : 14
فَأَنذَرْتُكُمْ نَارًا تَلَظَّىٰ
14. Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.
★
92 : 15
لَا يَصْلَىٰهَآ إِلَّا ٱلْأَشْقَى
15. Uusan galaynin qof xun mooyaane.
★
92 : 16
ٱلَّذِى كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
16. Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.
★
92 : 17
وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلْأَتْقَى
17. Waxaana laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha kale).
★
92 : 18
ٱلَّذِى يُؤْتِى مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ
18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.
★
92 : 19
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعْمَةٍ تُجْزَىٰٓ
19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.
★
92 : 20
إِلَّا ٱبْتِغَآءَ وَجْهِ رَبِّهِ ٱلْأَعْلَىٰ
20. Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.
★
92 : 21
وَلَسَوْفَ يَرْضَىٰ
21. Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.
★