94 : 1
أَلَمْ نَشْرَحْ لَكَ صَدْرَكَ
1. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?
★
94 : 2
وَوَضَعْنَا عَنكَ وِزْرَكَ
2. Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa [1],
★
94 : 3
ٱلَّذِىٓ أَنقَضَ ظَهْرَكَ
3. Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,
★
94 : 4
وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ
4. Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?
★
94 : 5
فَإِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًا
5. Xaqiiq, dhibka waxaa la socda faraj.
★
94 : 6
إِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًا
6. Xaqiiq, waxaa dhibka la socda faraj.
★
94 : 7
فَإِذَا فَرَغْتَ فَٱنصَبْ
7. Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka iyo Xuskiis).
★
94 : 8
وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَٱرْغَب
8. Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee.
★